DAAWO: Dagaalka Libya oo lagu qabtay duuliye Portuguese ah (Dayuuraddiisii oo burburtay)

0

(Tripoli) 07 Maajo 2019 – Duuliyaha dayuurad Mig 21 ah oo ay soo rideen fallaagada taabacsan Khalifa Haftar ee Libyan National Army ayaa la sheegay inuu yahay Portuguese ”calooshii u shaqayste ah”, xilli ay soo baxayaan sawirrada duuliye la qabtay oo wejigiisa dhiig daboolay.

Waxaa baraha bulshada heehaabaya sawirka nin aan wadan wax baaj ciidan ah oo ay ku hareereeysan yihiin ciidamado la sheegay inay daacad u yihiin dagaal oogaha Libyan-ka ah ee Khalifa Haftar.

Weriyaha Independent ugu qaybsan Bariga Dhexe, Bel Trew, oo ay sawirrada la wadaageen ayaa sheegtay in ninkani yahay “shisheeye” u dhashay Portugal.

Waloow Trew ay sawirrada kala reebtay, waxaa meelo kale wareegaya sawirro kasii muuqaal xun oo muujinaya dhaawacyo ninkan ka muuqda.

Hadalsame Media