Somalia oo hal arrin ku noqotay dalka ugu SOOMID sahlan (Arag sababta & dalal aan laga soomanayn)

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2019 – Waxaa inta badan dunida laga soomman yahay maalinta 1-aad ee bisha Soon qaad, haddaba waxaa qiimayn lagu sameeyay sida ay u kala waqti dheer yihiin dalalka ku jira Jaamacadda Carabta.

Dalka Somalia ayaa noqday waddanka ugu saacadaha yar bisha Ramadaan, marka guud ahaan loo eego dalalka Carbeed.

Dalka Somalia ayaa guud ahaan waxaa maalintii laga soomayaa 13 saacadood iyo 30 daqiiqadood, iyadoo dalka ugu saacadaha dheeri uu noqonayo dalka Aljeeriya oo laga soomayo 16 saacadood.

Halkan ka eeg taxa oo dhamaystiran:

Masar: 15 saacadood iyo 3 daqiiqo.

Falastiin (Quddus): 15 saacadood iyo 4 daqiiqo.

Kuweyt: 14 saacadood iyo 55 daqiiqo.

Imaaraadka Carabta: 14 saacadood iyo 33 daqiiqo.

Cummaan: 14 saacadood iyo 31 daqiiqo.

Waxaa jira dalal aan weli maanta laga soomanayn kuwaasoo ay ku jiraan; Pakistan, Cumaan, Morooko, Hindiya, Jasiiraddaha Komoroos iyo dadka shiicadda ee dalka Ciraaq.

Dhanka Somalia, maamulka Galmudug ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay in aysan maanta soon ahayn.

Hadalsame Media