DEG DEG: Saldhigga ciidamada Ruushka ee Suuriya oo madaafiic roob looga dhigay (Xeelad cajiib ah oo loo adeegsadey)

0

(Khmeimin) 06 Maajo 2019 – Kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama dalka Syria ayaa 36 madaafiic iyo gantaallo iskugu jira ku tuuray saldhigga ciidamada Ruushku ku leeyihiin saldhig cireedka Khmeimim kuwaasoo kala ahaa laba weerar oo kala gooni ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa sheegatay inay ciidamadeeda saldhiggu si wanaagsan ula xaaleen weerarradaasi oo aan waxyeello gaysan isla markaana ay qaadeen weerar cireed rogaal celin ah, sida ay sheegteen.

Weerarka ayaa ka yimi dhanka Idlib gaar ahaan qaybta ay ka taliso kooxda Hayat Tahrir al-Sham oo ah koox xag-jir ah (asal ahaan loo yaqaanney Al-Nusra Front), sida uu sheegay madaxa Rugta Dib u heshiisiinta Suuriya, Sarreeye Guud Viktor Kupchishin.

Malliishiyadan ayaa daroon u adeegsadey hagitaanka weerarkooda, balse waxaa ka jawaabey hannaanka daafaca cireed ee ku rakiban saldhigga Khmeimim.

Dayuuradaha Ruushka iyo madaafiicda goobta ee ciidamada Suuriya ayaa deeto dhulka ku malaasay halkii loo calaameeyay inay ahayd goobta laga soo ridayay hubkan kala geddisan, sida uu sheegtay Jen. Kupchishin.

Hadalsame Media

Facebook Comments