Dalalka deriska oo dhismaha ciidamadooda MASHRUUC uga dhigtay Somalia, Daraasad

0

(Stockholm) 06 Maajo 2019 – Lacagaha ay dalalka Bariga Afrika ee Somalia deriska la ah ama u dhowi ku khasiraan ciidamadooda ayaa mar qura cirka isku shareertay, iyadoo kasoo kacday $200 milyan sanadkii tegey gaarteyna $2.9 bilyan oo doollar, jeer ay dalalkaasi casriyaynayaan agabka ciidamadooda.

Sida ku cad xog uu iminka soo saaray mac’hadka Stockholm International Peace Research Institute (Sipri), oo ah hay’ad madax bannaan oo daraasadaysa amaanka, Kenya ayaa hoggaanka haysa iyadoo $80 milyan oo doollar oo hor leh ku kordhisey miisaaniyadda ciidamadeeda.

Miisaaniyadda guud ee ciidamada Kenya ayaa ah $1.09 bilyan oo doollar, taasoo 36.5% ka ah guud ahaan miisaaniyadda Bariga Afrika oo ah $2.98 bilyan.

Kenyan iyo Uganda ayaa la og yahay inay casriyaynayaan agabka ciidamadooda — iyagoo ama soo iibsanaya ama deeq ku helaya — iyagoo ku qaraabta inay Somalia ka ”caawinayaan” la dagaallanka Al Shabaab maadaama ay qayb ka yihiin AMISOM.

Sanadkii tegey, ciidamada KDF waxay Maraykanka deeq ahaan kaga heleen 12 gaari oo ah nooca gaashaaman ee Bastion-ka (APC). Faransiiska ayaa deeto siiyay 12 matoor oo nafto ah oo ah nooca MD5 oo gawaaridaa gaashaaman lagu xiro, iyagoo ku yaboohsaday inay ku xasilinayaan amaanka xuduuddka Kenya-Somalia.

Uganda ayaa $62 milyan oo doollar ku kordhisey kharashka ciidamadeeda, wuxuuna haatan gaarey $408.4 milyan, isagoo sanad kahor ahaa $346.8 milyan oo doollar.

Sipri ayaa qabta in kororkaas Uganda uu toos ula xiriiro doorkeeda AMISOM, iyadoo lacagta inteeda ugu badan toos uga heleeysa Ururka Midowga Afrika, sida uu qabo Dr Nan Tian, oo ah cilmi baare ka tirsan Sippri.

Dalalka Tanzania iyo Rwanda ayaa iyaguna aad u kordhiyey dadaallada ay ku dhisayaan ciidamadooda, jeer ay Itoobiya oo awalba sii ahayd cududda haatan ugu xooggan gobolka ay ku dhawaaqday inay dhisanayso ciidamo badeed xooggan.

Nisbi ahaan, dalka Somalia oo ah midka laba jeerba laga macaashayo, sida isaga oo mar loo sawirayo halista la iska jiro, marna ah midka la sheegayo in ”la caawinayo” ayay ciidamadiisu yihiin kuwa haatan ugu tayo liita gobolka marka dhinac kasta laga eego, iyadoo aysan muuqan bisayl siyaasadeed, dadnimo iyo rabitaan ka imanaya dadka go’aanka u gaara Somalia oo lagu dhisayo.

Hadalsame Media