DAAWO: Sidii kubad ayay dhulka ugu dhacday kaddibna kor ayay u booddey (Muuqaal SIR ah oo laga helay dayuuraddii holacdey)

0

(Moscow) 06 Maajo 2019 – Muuqaal la dusiyay oo dhanka amaanka ah ayaa muujinaya halka uu ka yimid dhibka ugu badan ee keenay inuu dab qabsado dayuuradda Sukhoi Superjet-100 ee shalay ku gubatey garoonka Moscow ee Sheremetyevo Airport.

Waxaa muuqaalkan cusub laga arkayaa dayuuradda oo iyadoo xawaare sare ku socota hollineeysa inay degto, balse qaab moollo oo kale ah uga boodaysa dhabbaha kaddibna markale ku dhacaysa, taasoo dhalinaysa kubad wayn oo holac ah.

Muuqaalkan ayaa waxaa qabatay kaamirada amaanka ee garoonka waxaana lasoo dhigay hilinka Telegram Channel Baza.

Marka labaad ee ay dhulka ku dhacayso ayaa la sheegay inay burburisey qaybtii xamuulka, isla markaana waxaa jug wayni gaartey matoorka oo uu holac ka bilowday, iyadoo ay ku dhinteen 41 qof.

Dayuuradda oo in yar uun kahor duushay ayaa la sheegay inay hawada BIRIQI kula dhacday, taasoo kharribtay hannaankii elektaroonigga ahaa ee dayuuradda, taasoo khasabtay inay soo noqoto, iyadoo xogihii hore ay sheegayeen inay dayuuraddu soo degtey iyadoo holcaysa.

Hadalsame Media