XOG: Meelaha ilaa haatan laga arkay bisha barakaysan ee RAMADAAN

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2019 – Madaxwaynaha Somalia ayaa ku dhawaaqay inay berri Soon qaad tahay, waloow uusan faahfaahin wax ku saabsan halka bisha laga arkay iyo cidda aragtay toona.

Wakaalada la socodka Falagga ama Xiddigiska Sacuudiga ayaa sheegtay in bisha Ramadaan laga arkay Bixawdata Sudayr.

Sida lagu baahiyey hilin wareedka la iska arko ee Al Carabiya ee dalka Sacuudiga, xarunta cilmi falagga ee Sacuudiga ayaa sheegtay in bishii Ramadaan la arkay galabta oo Axad ah, iyadoo Maxkamadda Sare ee dalkaasi laga dhowrayo go’aanka rasmiga ah.

Sidoo kale, hay’adda Daarul Iftaa oo ka jirta dalka Masar ayaa wadda baaritaan ku saabsan bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, iyadoo go’aan laga sugayo saacadaha yar ee soo aaddan.

Dalalka Imaaraadka, Baxrayn, Suudaan, Marooko, Urdun, Aljeeriya, Tuniisiya iyo Muritaaniya iyo qaar kale ayaa iyaguna weli ka dhur sugaya dhalashada bisha Ramadaan.

Madaxa hay’ad la socodka bilashada bisha Ramadaan ugu qaybsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalkaaasi Qatar, Thaqiil Shamri, ayaa shir jaraaid ka sheegay in berri oo Isniin ah ay tahay maalinta ugu horraysa ee bisha Ramadaan.

Waxaa ku raacay dalalka Kuwait iyo Ciraaq oo iyaguna ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wakaalad Wareedka Turkiga ee Anadolu ayaa iyaduna faafinaysa war sheegaya in berritoole ay Turkiga ka tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan, iyagoo daliishanaya xisaabaadka xiddigiska.

Hadalsame Media