
(Moscow) 05 Maajo 2019 – Waxaa soo baxaya muuqaal argagax leh oo muujinaya dadkii haray oo ka boodaya dayuurad ah nooca Sukhoi Superjet 100 oo si deg deg ah iyadoo holcaysa u fariisatay gegada magaalada Moscow ee Sheremetyevo Airport.
Dayuuradda oo uu duullimaadkeedu ahaa Aeroflot Flight SU1492 ayaa ka duushay garoonka Moscow ee Sheremetyevo International Airport iyadoo u socotey magaalada Murmansk.
Yeelkeede, dayuuradda ayaa markiiba soo degtey iyadoo qaybta dambe oo idil ka holcaysa.
Ugu yaraan 13 qofood oo ay 2 carruur yihiin ayaa ilaa iminka la xaqiijiyey inay shilkaa ku xijaabteen, halka ay jiraan dad badan oo gebi ahaanba la la’yahay iyo dhaawac fara badan.
Hoos ka daawo muuqaallo naxdin leh oo laga qabtay dayuuradda oo iyadoo holcaysa degeysa.
Warar dheeraad ah ayaa weli soo baxaya….
Hadalsame Media