Shirka Garoowe oo furmay & qodobbada lagusoo qaadayo + Sawirro xul ah

0

(Garoowe) 05 Maajo 2019 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in wadajir looga arrinsado arrimaha muhiimka u ah horu socodka iyo dowladnimada dalka, isagoona ku bogaadiyey Madaxda sida ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himlooyinka shacbka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Hadalsame Media