MW Puntland oo sameeyay arrin aad loogu amaanay! (Daawo)

0

(Garoowe) 05 Maajo 2019 – Madaxwaynaha Puntland Siciid Deni ayaa sameeyay arrin muujinaysa ixtiraam iyo qaddarin uu u muujiyay madaxda sare ee DF Somalia.

Waxay arrintani dhacday mar uu soo degayay MW Somalia Md Maxamed Farmaajo waxaana salaantiisa u safnaa dad soo dhoweeynayay, iyadoo uu dhinac socdey RW Khayrre oo Garoowe kaga sii horreeyay, waxaana ka dambeeysey madaxda maamul-goboleedka Puntland oo uu ka mid ahaa Madaxwaynaha Puntland.

Sida sawirka ka muuqata, mid loo badinayo inuu ka mid yahay dadkii agaasimayey dhacdada ayaa deeto isku dayey inuu RW Khayrre u ishaaro inuu boos u banneeyo Md Deni.

Yeelkeede, Madaxwaynaha Puntland ayaa arrintaa gaashaanka u daruuray, isagoo RW Khayrre oo isu diyaariyay inuu seedka siiyo u ishaaray inuu socodkiisa sii wato.

In badan waxay doodi ka timaadaa maamuuska ay maamulladu u muujiyaan madaxda DF, sida iyagoo is dhinac dhiga laba calan, roog casna fidiya kaddibna rakada la fuula Madaxwaynaha ama Raysal Wasaaraha Dowladda Dhexe sidii inay kulmayaan laba dal.

Waxaa kale oo marar badan la soo jeediyay in la bedeo darajada Madaxwayne, kaba se sii darane hadda waxaa qaarkood kusoo kordhay darajada Raysal Wasaare, iyadoo waxaas oo dhami u baahan yihiin in xal loo helo, si looga boxo is barbar yaaca jira.

Hadalsame Media