MARTIN LUTHER KING: Halgamaa xaqiijiyey HADAFKIISII

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2019 – Martin Luther King Wuxu ahaa ninkii hoggaaminayay dhaqdhaqaaqii xuquuqda madaniga ee Maraykanka. Wuxu ahaa nin madow oo halgan adag u galay sidii dadkaasi xorriyadda iyo xuquuq la mid ah tan dadka caddaanka ah u heli lahaayeen.

Khudbadiisii caanka noqotay ee uu jeediyay sannadkii 1963, ayaa ahayd mid soo jiidatay dadka dunida, gaar ahaan dadka Maraykanka caddaanka iyo kuwa madowba.

King khudbadiisu waxay ahayd mid uu codkiisa kor u qaaday oo uu qaylinayay, isla markaana ay ka buuxeen weedho rajo gelin ah iyo tartan inay caddaanka la galaan ah, oo aanay dadka madoobi isku arkin kuwa ka hooseeya.

Khudbadaasi waxaa dhegaysanayay dad ka badan 250 kun oo qof oo Maraykan ah, waxayna ahayd mid ku qotontay in dadka Maraykanku ay gaaraan halka ugu sarraysa xuquuqda rayidka. Waxaana uu khudbadaasi ku sheegay dadka madoobi aanay weli helin xuquuqdii ay lahaayeen, xitaa iyadoo 100 sanno ka danbeeyeen markii la joojiyay is addoonsigii.

Kicintaasi iyo khudbadaasi ka dib, kumanaan qof oo muwaadiniin Maraykan ayaa ka qayb qaatay socod ay kaga cabanayeen xuquuqda madaniga, waxaana la kulmay Madaxweynihii Maraykanka ee waagaasi Jhon F. Kendy horjoogyaashii dhaqadhaqaasi waxaanu uu ku taageeray xarakadaasi in iclaamiyo qaynuunka xuquuqda madaniga ah ee muwaadinku leeyahay (Civil Rights). Markii arrinkaasi u hirgelay wakhtiyadii danbe wuxu waday ololaha la dagaalanka saboolnimada.

sannadkii 1967, wuxu ku biiray isbahaysigii ka soo horjeeday dagaalkii wakhtigaasi Maraykanku ka waday Fiidnam, kaasi oo la oran jiray isbahaysiga “ Beyond Vietnam .” Maxa ka danbeeya Fitnam?.

Bishii April 4, sannadkii 1968, ayaa la dilay isagoo da’dsiiu tahay 39 sanno. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in maskaxdiisa markii la eegay ay la mid ahayd sida qofka da’diisu tahay 60 sanno, taasi oo ay sabab u ahayd halgankiisii joogtada ahaa.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media