Goorma ayaad heli doontaa FARXAD buuxda? (Sheeko micne wayn xambaarsan)

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2019 – Inan ama wiil yar ayaa isaga oo cirka eegaya yiri “berri ayaa hooyaday ii soo gadi doontaa ama iibin doontaa dharkii aan dugsiga ku aadi lahaa, haddii aan dugsiga bilaabana waxa aan noqonayaa mid faraxsan.

Maalmo kadib markii uu dugsigii bilaabay ayuu waayay farxaddii uu doonayay, waxa uu dareemay in ay jiraan wax wali ka maqan.

Maalin maalmaha ka mid ah waxa aan noqon doonaa wiil wayn kadib ayaa aan farxad heli doonaa ayaa uu mar labaad iskula hadlay.

Haddii uu waynaaday waxaa ugu xigtay in uu yiraahdo “Markii aan dugsiga dhammeeyo ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan.”

Haddii uu dugsigii dhammeeyey wali waxbaa ka dhimman in uu farxad helo. Marka aan jaamacadda dhammaysto ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan.

Markii aan shaqo helo oo bilaabo in aan lacag helo ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan

Markii aan guursado ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan
Markii aan carruur yeesho ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan

Markii carruurtu dugsiga ii dhammeeyaan ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan.

Markii ilmahu ii waynaadaan ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan.

Markii aan shaqada ka fariisto oo aan nasasho helo ayaa aan noqon doonaa mid faraxsan

Haddii uu shaqadii ka fariistay maxaa dhacay?

Gadaal ayaa uu eegay waxaana u muuqday noloshiisii oo uu soo wada dhaafay haddana dhammaad maraysa, walina farxad ayaa uu raadin.

Nolosha adduunyadu waa iska sidaas ogoow walaal.

Iska illoow waxa soo socda ee aad heli doontid, ku raaxayso nolosha, waqtiga iyo waxii markaas gacantaada ku jira ee Alle ku siiyey.

Farxadda noloshu waa dareen ee ma aha wax aad sugaysid in aad heshid.

Hadda isku day in aad dhoollacaddaysid. Isku day. Isku day in aad farxad dareentid.

Eeg hareerahaaga, dhabtii waxa aad hadda haysataa waxyaalo aad u tiro badan oo aadan haysan doonin xilliga dambe ee aad farxaddaada ka sugaysid. Maanta wax lagu farxo oo badan oo aad haysatid ayaa jira, balse berrina kuwa kale ayaa aad heli doontaa insha allah.

Yeelo hadaf halka aad dooni ah, balse ku qanac, kuna faraxsanoow halka aad maanta iyo markasta ku sugantahay.

Xigasho: Dr Jaamac Sahal

Hadalsame Media