DAAWO: Gabar sanad jir ah & hooyadeed oo uur leh oo ka mid ah dad ku dhintay duqaynta Israel ee Gaza + Sawirro

0

(Gaza) 05 Maajo 2019 – Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qofood oo uu ku jiro sabi sanad jir ah iyo hooyadeed oo uur lihi ay ku dhinteen duqayn ay Marinka Gaza u gaysteen ciidamada Yuhuudda oo ku doodaya in gantaalo looga soo ganay dhanka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 3 qof la diley, kuwaas oo ay ku jirto gabar 14-bilood jir ah oo la oran jirey Seba Abu Arar iyo hooyadeed oo 37-jir ahayd uurna lahayd, taasoo si xun u dhaawacantay kaddibna u dhimatay.

Dadka kale ee dhintay waxaa ka mid ahaa wiil 22-jir ahaa, halka ay dhaawacmeen daraasiin kale oo dad rayida ah.

RW Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta wacad ku maray inuu sii amba qaadi doono wax uu ku sheegay weerarro lagu sugayo amaanka dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan koonfurta dalkaasi.

Yuhuudda ayaa sheegatay in gantaalo laga soo ganay dhanka Gaza ay ku dheceen meelo aad ugu dhow caasimadda Tel Aviv sida degaanka Kiryat Gat.

Hadalsame Media