”Venezuela waxaa ka shidan sheekadii Ciraaq!” – Ilhaan Cumar oo u jawaabtey Mike Pence (Halkee iskala qaadeen?)

0

(Washington, DC) 04 Maajo 2019 – Xildhibaannadda cusub ee Ilhaan Cumar ayaa weerar ku qaadday warkii Madaxwayne Xigeenka Maraykanka, Mike Pence, oo iyada ku eedeeyay in ay “shuuciyad ka dooranayso xorriyad” kaddib markii kasoo hor jeesatey faragelinta Venezuela.

“Sida faragelinnadii hore, dadka kasoo horjeesta dagaallada waxaa lagu shaabbadeeyaa inay dad  ‘xornimada neceb,’” ayay soo tweet garaysay.

“Shaxdaan waxaan kusoo aragnay dalka Ciraaq.” ayay daba dhigtay.

“Xaaladda Venezuela waa mid khatar maamulka Trump baana uga daraya. Waa inaan taageernaa diblomaasiyadda, dagaal maya.” ayay tiri.

Doodda Pence ayaa bilaabatay, kaddib markii Ilhaan waraysi siisay hilin wareedka liberaalka ah ee Democracy Now iyadoo aad u dhaleecaysay taatikada gacan adaygga ah iyo qorshaha “xukun beddelka ah” ee Venezuela. Pence ayaa deeto iyada ku eedeeyay inay shuuciyadda taageerto.

Hadalsame Media