North Korea halkeedii ka bilowday & GANTAALO ay xalay riddey oo weli lagu wareersan yahay + Sawirro

0

(Pyonyang) 04 Maajo 2019 – North Korea ayaa magaalada Wonsan ee bariga dalkaasi ka riddey dhowr xabbo oo ah gantaalaha riddada dhexe, sida uu sheegay Abaanduulaha South Korea oo markii hore waxa la ridey gantaal balistik ah u maleeyay.

Gantaalahan ayaa la ridey saaka 9:06 a.m. iyadoo loo ridey jihada Sea of Japan (oo ay Kuuriyaanku u yaqaannaan East Sea), sida ay werisey Wakaaladda Yonhap.

Gantaalahan oo kala duwanaa ayaa loo badinayaa inay qaarkood ahaayeen madaafiicda goobta sida PM-ka ayaa jaray masaafo u dhaxeeysa 70 ilaa 200km.

Dowladaha South Korea iyo Maraykanka ayaa sheegay inay u kuurgelayaan walxaha la ridey.

Hoggaamiyaha Korea ee Kim Jong-un iyo dhiggiisa Maraykanka ee Donald Trump ayaa horraantii sanadkan ku kala istaagey kulan ay ku yeesheen magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, kaddib markii uu Maraykanku dhegaha ka furaystay dalab ahaa in Pyonyang cunaqabataynta laga debciyo iyadoo aan si shuruud la’aan ah iskaga dhigin hubka nukliyeerka.

Hadalsame Media