“Markii timaadid waxna ma keentidee intee geesaa wixii oo soo siyaseesid?!” – Lama Goodle iyo gabar reer guri ah oo uu qabey!

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2019 – Haweeney reer banadiri ah ayaa wareysatay ninkeeda oo lama goodle ah:

Xaas: subax, galab, habeen intee aadaa adiga?

Nin: fadhi ku dirir.

Xaas: iyaa lama goodle mar kasto war cuseeb aas wadaa.

Nin: waa caadi maxaa dhacay, dadkoo dhan baa fadhi ku dirir ah.

Xaas: yaab badanaa… adduunka waa gadoomaa waa maqli jirey, lakin waa iska daba gadoomaa abidkey ma maqlin.

Nin: balaayadaan soo saa’idday maxey aheyd? Waxaan u maleynayaa in laguu sheeko xumeeyay, inta aan kaa maqanahay fadhi ku dirir lee ku maqanahay ee yaan lagu waalin.

Xaas: yaan lagu waalin aa, waashow hadda leesba koow yahaybo. Ninka oo subax, galab iyo habeen kasto dirireysiin wixii ka heesid ma iska siisidoo?

Nin: heedhe nin isma heynee rag baannu is heynaa.

Xaas: nimanyaalo oo badanaa?

Ninkii: haa.

Xaaskii: haa haddaan fahmay, maansha habeen kasto dheheesid waa daalanay. Meel oo liisku goobanaayo maxaa ka doonee? Iska joogtid, cun, cab, naso.

Ninkii: naa kaligey maaha ee anna rag baa ila jira.

Xaaskii: calaashaan khawiil khawiil maa u dirireesiin?

Ninkii: khawiil khawiil maahine koox koox beynu nahay.

Xaaskii: intaas waa kasi ee maxaa iska rabtiin?

Ninkii: siyaasad beynu isku heynaa.

Xaaskii: adi maa ka haasto siyaasad?

Ninkii: mayoo… wey naga dhexeysaa.

Xaaskii: horta siyaaso maxaa waaye…::
caqli caqli miyaa? Waxaan maqli jirey qofkaas siyaaso ow la yimid iyo anigow i siyaaseen rawaa, marka adiga markii timaadid waxna ma keentide intee geesaa wixii oo soo siyaseesid?

Ninkii: naa wax sooma siyaaseeyo ee meel baan fariisannaa, shaah ayaan cabnaa, kaddibna fadhi ku dirir ayaan galnaa.

Xaaskii: Hada leebo ku fahmooyaabo. Shaahaa cabeesiin, meelaa fariisaheesiin, markaas lee dirirka bilaawahaa miyaa?

Ninkii: waa intaa.

Xaaskii: hadaa fahmi wixii keenay inaa naagyaalka reer Xamar dagaalkooda Facebook ka dhigtaan, ileen ani wax ma ogiye lama goodle aa bilaabay fadhi iniis ku diriro. Lama goodle iniis habaar ku dhacaayo aniga waa u mudaayay.

Ninkii: maxaa dhacay?

Xaaskii: awal nagahaanyaa aa fadhi ku diriri jirnay, kuwiina ma oshi, reer xamar aan ka hadlooyaa, ee nimanka adi camal oo lama goodlayaasha naagahaanya maa ku dayaheesiin waaba yaabniye? Niman oo shaah cabaayo oo fadhiisanaayo oo diriraayo xamar hadaaney ka hor ma ka dhicin ee intii naagahaanya ku daba dayaneesiin ragaanya ku dayda maxaa idiin diiday?

Ninkii: oo ragiinnu maxey sameeyaan?

Xaas: ragaanya ma gaari kartiin, dagaal dhan waa iska dhaafeen.

Ninkii: oo ma fadhi diriraan miyaa?

Xaas: lama goodle dhibkiis waxaa waaye asaga ciyow wax ma fahmaayo. Nimanyaalo maxaa waaye, naagyaalka aa facebook iska dhex raadsanooyo. Ee adi wax ku anfaco aan kuu sheegaa

Ninkii: soo daa

Xaas: cun, cab, naso, iska joog. Mase dirirowga waa ku qawanaa.

Ninkii: heedhe guri ku xareysnaan maayee rag baan iska celinayaa ee nabadey.

Waxaa Qoray: Cali C Cosoble

Hadalsame Media