DAAWO: Kooxda Reds oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ruux gelisey rajadeedii horyaalka EPL + Sawirro

0

(Newcastle) 04 Maajo 2019 – Kaddib guuldarradii ay 3-0 dirtay kooxda Barcelona ee Nou Camp Arbacadii, kooxda Liverpool ayay weli ka muuqatey dareenka dhaxantii ciyaartaasi.

Kaddib habeen ay u muuqatey in uu dhamaaday hardankii horyaalka ee u dhexeeyay kooxda Jurgen Klopp iyo Manchester City, oo ay u ekeeyd inay wax kasta ka qalloocan yihiin dhanka Liverpool, mar ay dadka qaar iska raarideen in fasal-ciyaareedka Reds uu fashilmay, dhintay oo la aasay, kooxda Liverpool ayaa rafcaan ka qaadatay inay riyadoodu sidaa fudud ku xijaabato, iyagoo rajadooda raacraacayay ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Liverpool oo laba jeer ku hormartay ciyaartii St James’s Park balse ay ku madax adkaatay kooxda Newcastle oo labada jeerba ka hari wayday, ayaa waxaa Liverpool rajajeeda sii argagixisey Mohamed Salah, oo garoonka bareelle lagaga qaaday kaddib markii ay isku dhexeen qabtaha Newcastle ee Martin Dubravka.

Yeelkeede, jeer ay reer Reds gorodda raariciyeen, ciyaartiina ay ka harsan tahay 4 daqiiqo ayaa waxaa guushii mar u muuqatey mid laga quustay hog mugdi ah kasoo saaray laacibka Divock Origi oo kubad uu si xirfadaysan u madaxeeyay kaga xanaajiyey jamaahiirtii guri joogta ahayd, 2-3 ayayna Reds ku ribixday, riyadeedii horyaalkana markale kusoo noolaysay.

Hadalsame Media