Ciidamada Somaliland oo Laascaanood ku qabtay nin ay ku eedeeyeen in….

0

(Laascaanood) 04 Maajo 2019 – Ciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga dhigay masuul hore ugu tirsanaa maamulkii Cabdilweli Maxamed Cali Gaas ee Puntland.

Abukar Cabdi Geelle oo mar soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland ayaa ka mid ah xubnaha la shaqeeya Maamulka Saciid Dani hase ahaatee  aan loo magacabin wax xil ah.

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa ku eedeyay Abukar in magaalada Laascanood uu ka waday Olole ka dhan ah Somaliland isla maraana lagu tageerayo Dowladda Federaalka.

Waxa ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland in Abukar Cabdi Geelle uu wajahi doono Cadaalada, mana jirto wax war ah oo dhanka Puntland ay ka soo saartay xariga masuulkan  hore.

Sanadkii 2018-ka ayuu Abukar iska casilay xilkii uu hayay ee ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.

Hadalsame Media