MAAN-HAFAR: Sida ay u cilladaysan tahay aragtida ah ”Caqligu ha shaqeeyo!” oo qura!

0

(Hadalsame) 02 Maajo 019 – Waxaa in badan soo noqnoqda hadallo ay ku jirto in dhibka Soomaalida haysta looga bixi karo in ‘caqliga laga shaqaysiiyo’. Waxaa jira abaabul iyo kooxo badan oo magacooda ay ku jiraaan ereyada ‘maan, garasho, caqli, kasmo, iwm oo isku daya inay u ololeeyaan adeegsiga caqliga.

In kastoo ujeedadu tahay mid sharfan, haddana waxaan is leeyahay kooxahaas qaarkood iyaga ayaa u baahan in habka ay u shaqeeyaan ay caqliga waafajiyaan. Waayo waxaa koox loo sameeyaa inay yool tiigsato ayna leedahay tallaabooyin qorshaysan oo ay ku gaari karto yoolkeeda. Waxaa muhiim ah in xubnaha kooxdu isku meel wax ka arkaan ayna xilalka ay gudanayaan u leeyhiin aqoon iyo karti; inay haystaan agab ama hanti iyo wixii aanay uga maarmi karin meelmarinta qorshooda.

Waa inuu jiraa halbeeg lagu hubiyo in dariiqii la hayo iyo in la gaaray yoolkii. Waxa lagu cabbirayo in qorshihii guulaystay ama yool-gaarka waa in intaan safarka la gelin la isla ogaadaa. Haddii intaas ama qaarkood la waayo, waxay meeshu u ekaanaysaa gole la isugu muruq tuujiyo oo xubin walbaa ku muujiso buugaagta ay soo akhriday ama meel lagu soo bandhigo qaladaadka dadka aan kooxda ku jirin ama cadawga loo arko, intaas markii laga daalona goluhu waa iska xirmaa.

Qorshihii sharfanaa ee ahaa in dadka lagu wacyi geliyo in caqliga la adeegsado, ama la tuso natiijada caqliga oo loo keeno xal ay ku baraaraan, wuxuu ku dhammaanayaa meel cidla ah.

Waxaan qabaa in ay muhiim tahay in la isla ogaado qodobada soo socda:

1. Waxaa muhiim ah in la isla ogaado waxa caqli loo yaqaan oo haddii aan laga sinnayn qeexidda waxa laga wada hadlayo, waa adag tahay in meel wax la isla dhigo. Soomaalidu waxay si isu dhaw u adeegsadaan ereyada caqli, garaad, garasho, feker iyo faham. Waa laga yaabaa in haddii hoos loo daadego la kala duwi karo ereyadaas laakiin waxaan is leeyahay dadka badankooda waa isugu mid. Qoraalkanu iskuduubkaas ayuu ka abbaarayaa.

2. Waxaa jira caqli muujiya nolosha oo markuu qofku dhinto ama miyir daboolmo la yiraahdo ‘caqligii ayaa ka tegey’. Caqliga noocaas ah joogitaankiisu wuxuu muujiyaa oo keliya nolol ee ma muujiyo wanaag iyo xumaan. Waxaa jira caqli muujiya feker laga mira dhaliyo oo soo saara guul ama lagu furdaamiyo dhibaatooyin qof ama ummad hor yaal. Waxaan filayaa in kan dambe uu yahay kan wanaagga muujin karaya waana kan aan is leeyahy kooxahaas waa u dan leeyihiin. Laakiin haddaad hoos u eegto, maaha caqliga waxa lagu kala duwan yahay, ee waa sida loo jiheeyo, habka loo adeegsado ama looga mira dhaliyo.

3. Waxaa jira aqoonyahanno sheega in caqliga ama garaadku leeyahay noocyo badan oo ay dhici karto in qof walbaa ku fiican yahay inuu caqligiisa u adeegsado si gaar ah. Tusaale ahaan dadka qaar waxay awoodaan inay xisaabo waaweyn ka shaqeeyaan laakiin kuma habboona dad-la-dhaqanka; dadka qaar waxay caqligooda ku soo saaraan farshaxan ama farsamo aad u sarraysa laakiin inay dadka hadal deeqsiiyaan oo cilmigooda gudbiyaan waa ka maangaab; dadka qaar waxay si sahlan u bartaan afafka laakiin ma akhrin karaan khariiradaha iyo jaantusyada; waxaa jira dad shirkado waaweyn samayn kara oo dad iyo hanti maamuli kara laakiin aan ku fiicanyn iskuulada oo imtixaanada ku dhaca; odayaal waxaa jira arrimo isku murugsan si sahlan u furdaamiya laakiin maalinba xaas fura oo aan guri dhisan Karin. Taas waxaa laga qaadan karaa in dadku caqli wada leeyihiin laakiin qaarba ay jiho gaar ah ugu badiso oo ay hibo u leeyihiin nooc ama noocyo gaar ah oo caqli adeegsi ah.

4. Haddii la yiraahdo dadka Soomaaliya dhibka ka wada ama mar walba dagaal iyo qabiil ummadda ku laaya caqli ma laha, soow taasi noqon mayso inaan waxba loo haysan illeyn qof aan caqli lahayn ama aan caqligiisu buuxin in la eedeeyo micne ma samaynaysee. Qeexidda caqliga ee muujinaysa kasmada qofkii aan lahayn dembi looma haysto ee waa in isaga la xannaaneeyaa.

5. Caqliga waxaa dulleeya ama sharfa arrimo kale oo qofku leeyahay sida damaca, geesinimada, xishoodka, cabsida, iwm. Taas waxaa caddayn kara in tuugada bangiyada malaayiinta ka dhaca ay shaki la’aan adeegsadaan caqligooda oo ay hay’adaha amniga iyo xayndaabka bangiyadaba hoosaasiyaan oo aqoon iyo farsamo adeegsadaan. Waxaa jirta in dadka dagaalada gardarrada ah ku laaya boqolaalka kune ee dadka ah ay caqli wax ku qorsheeyaan, qalab iyo logistics badan maamushaan oo markaas fuliyaan gardarraddooda. Markaa caqligu mar walba uma shaqeeyo sida wanaagsan. Culimo badan ayaa caqligooda ku kasbada cilmi.

Markaasaa siyaasi ama ganacsade ka xoog badan ama ka xoola badan u adeegsadaa culimadaas inay caqligoodii isaga ugu adeegaan si uu damaciisii xumaa u gaaro. Ka dibna wuxuu samaystaa aqoonyahan kale oo afhayeen u noqda oo wixii aanu isagu dhihi karin u yiraahda. Culimadaas caqligoodii waxaa dulleeyey damacoodii.

6. In laga sheekeeyo caqliga iyo wuxuu yahay iyo dadkii caqliga badnaa hadaladoodii, waxaa igala habboon in miraha caqliga la meel mariyo oo dadka loo sheego siday ula tacaali lahaayeen dhibaatooyinka hor yaal. Caqliga ka shaqaysiiya haddii la yiraahdo, ogow caqligu waa jihooyin badan yahaye.

Way adag tahay in dadku dhammaan meel sare hadalka ka soo dejiyaan. Laakiin haddii mirihii caqligu soo saaray farta lagu fiiqo oo la yiraahdo dhib hebel xalkiisu waa in sidaas la yeelo, waxaan is leeyahay way dhawaanaysaa in toos loo abbaaro mushkiladaha iyadoon lagu mashquulin arrimo waaweyn oo feker badan u baahan ama hadal duuduuban oo qurxoon. ‘Caqliga adeegsada’ waa sida ‘noolaada’ ama ‘fiicnada’ waana hadal duuduuban oo haddaan hoos loogu daadegin faa’iidadiisu yaraato.

7. Waxaan si leeyahay waxaa la wada doonayaa waa nolosheenna oo ka wanaagsanaata meesha ay hadda taal. Laakiin waxaad mooddaa in markii Soomaalidu kala tagtay oo qabiil walbaa goonni isu taagay in wax walba la bililqaystay oo qolo walbaa wixii ay jeclaayeen ama ku danaysan lahaayeen gaar isula taagtay oo u sheegatay.

Qaar ayaa qabiilkaagii kaa qaadanaya oo adiga marti kaa dhigaya. Subax walba waxaad maqlaysaa Reer Hebel sidaas waa diideen weligeedna meel reerku ku tashaday lama arkin ee rag ayaa goonni isula taagay.

Qaar ayaa diintii sheegtay oo dadki kale ka saaray waxayna la baxeen magac muujinaya inay diin fiican yihiin. Qaar kalena waxay is yiraahdeen idinkuna caqliga goonni ula baxa oo sheegta oo la baxa magac muujinaya caqliga iyo maanka.

Mar kale, caqligu uma baahna ammaan gaar ah oo waa la wada og yahay wanaaggiisa iyo qiimihiisa. Soomaalinimada, Islaanimada, dadnimada iyo wax walba oo aan nahay caqligu waa ku sharfan yahay waxaase muhiim ah in talooyinka hoos loo daadejiyo oo la abaaro nabarka la daawaynayo ama Meesha guushu ka dhawdahay ee hadal guud xal gaar ah laguma gaaro. Maanka yaan la hafrin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media