Sawirka Xaliima Aadan oo dunidu ka doodayso (Arag jawaabaha baraha bulshada)

0

(Minneapolis, MN) 01 Maajo 2019 – Gabadha Soomaali-Maraykanka ah ee Halima Aden oo ah gabar moodal ah ayaa taariikh cusub dhigtay, kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee iyadoo ”xijaaban” kasoo muuqata majaladda Sports Illustrated dufcaddii 2019.

Aden, 21 jir, oo ku dhalatay Kenya oo ay uga gudubtey Minnesota iyadoo carruur ah ayaa bogga sare kasoo muuqatay iyadoo xiran burkini madoow — oo ah dhar daboolaya madax ilaa majo — oo lagu midabeeyay waxyaabo kala geddisan.

“Tani waa riyo ii rumoowdey,” ayay Ms Aden u sheegtay Sports Illustrated. “Idiinma sheegi karo xitaa sida aan dareemayo.” ayay raacisay.

Aden oo markii ugu horreeysey kasoo muuqanaysa majaladda Sports Illustrated caddadkeeda soo baxaya bisha Maajo ee soo aaddan, ayaa sidoo kale ku noqonaysa dalka ay ku dhalatay ee Kenya, si ay sawirro ugu qaaddo xeebta Watamu Beach oo ka tirsan Degmada Malindi ee gobolka Saaxilka Kenya.

Haddaba, dadwaynaha caalamka ayaa ku kala qaybsamay iyadoo uu qofba si uga fal celiyay, dad baa sheegay in waxa ay Xaliimo sidato aan lagu tilmaami karin xijaab oo uu Islaamku leeyahay hab-raac gaar ah oo go’aamiya waxa xijaab lagu tilmaami karo.

Halka qaar kale ay difaaceen iyagoo ku tilmaamay ”gabar adag” oo samaynaysa wixii ay ku faraxsan tahay, dunida xarragadana kusoo kordhisey qayb cusub oo muujinaysa in ”quruxdu” ay kala geddisan tahay, sida ay qabaan.

Waxaa jira qaar kale oo ku doodaya inaysan gabadhani ku habboonayn howshan oo sida ay qabaan u baahan in la raaco dhaqanka Galbeedka ah oo ah kuwa dhaqan ahaan hab-nololeedkan hindisey.

Hadalsame Media