Xaliima Aadan: Gabar Soomaali ah oo rikoodh cusub dhigtay + Sawirro

0

(Minneapolis, MN) 30 Abriil 2019 – Gabadha Soomaali-Maraykanka ah ee Halima Aden oo ah gabar moodal ah ayaa taariikh cusub dhigtay, kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee iyadoo ”xijaaban” kasoo muuqata majaladda Sports Illustrated dufcaddii 2019.

Aden, 21 jir, oo ku dhalatay Kenya oo ay uga gudubtey Minnesota iyadoo carruur ah ayaa bogga sare kasoo muuqatay iyadoo xiran burkini madoow — oo ah dhar daboolaya madax ilaa majo — oo lagu midabeeyay waxyaabo kala geddisan.

“Tani waa riyo ii rumoowdey,” ayay Ms Aden u sheegtay Sports Illustrated. “Idiinma sheegi karo xitaa sida aan dareemayo.” ayay raacisay.

Aden oo markii ugu horreeysey kasoo muuqanaysa majaladda Sports Illustrated caddadkeeda soo baxaya bisha Maajo ee soo aaddan, ayaa sidoo kale ku noqonaysa dalka ay ku dhalatay ee Kenya, si ay sawirro ugu qaaddo xeebta Watamu Beach oo ka tirsan Degmada Malindi ee gobolka Saaxilka Kenya.

Hadalsame Media