WAR CUSUB: Xaalad Deg Deg ah oo lagu soo rogey degmooyin ka tirsan Somaliland (Muddada uu soconayo & sababta)

0

(Hargaysa) 30 Abriil 2019 – Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi  ayaa Xaalad degdeg ah ku soo rogay degmooyinka Ceel afweyn, Ceeri Gaabo iyo Garadag muddo Saddex bilood ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta u aqriyay war ka soo baxay xafiiska Madaxwayne Biixi ayaa sheegay in degganadaas ay ka shaqeyn doonaan kaliya amarrada ciidanka Somaliland.

Arintan ayay Somaliland ku sheegtay in looga gol leeyahay sidii wax badan oo dhanka amaanka ah looga qaban lahaa deggaanadaasi oo ay ku soo noq noqdeen dilalka rayidka iyo shaqaalaha Somaliland.

Afhayeenka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah wax loogu qaban lahaa dhibaatada dilalka iyo dagaalada qabaa’ilka ku salaysan ee ku soo noq noqday Gobolka Sanaag.

Degmooyinka , Ceel Afweyn iyo Ceeri Gaabo ayaa maalmihii ugu danbeyay waxa ka dhacay dilal qaarkood lala eegtay saraakiil ka tirsan Somaliland.

Hadalsame Media