VENEZUELA: Afgembi dhicisoobey, dibed baxayaal gaari la jiirsiiyay, ciidamadii dowladda oo is xabadeeyay & siyaasiyiin Safaarado magangalay + Sawirro & Muuqaallo

0

(Caracas) 30 Abriil 2019 – Siyaasiga ka mid ah mucaaradka Venezuela ee Leopoldo Lopez ayaa u cararay Safaaradda dalka Chile ee Caracas oo uu magangelyo waydiistey, halka ugu yaraan 25 ka mid ah ciidamo taageeray hoggaamiyaha mucaaradka ee Juan Guaido ay Safaaradda Brazil magangelyo waydiisteen, iyadoo sida ay werinayso saxaafadda aysan ku jirin saraakiil sare.

Waxan oo dhami waxay dhacayaan jeer uu u muuqdo mid fashilmay isku dayga afgembi ay soo dhistay dowladda Maraykanku.

Lopez ayaa xabsi guri ku jirey tan iyo 2017, balse waxaa saaka mar qura lagu ag arkay Guaido –oo isagu sheegtay inuu yahay “Madaxwaynaha KMG ah” ee Venezuela bishii Jannaayo.

Wasiir Dibadeedka Chile, Roberto Ampuero ayaa soo tweet gareeyay in Lopez, xaaskiisa Lilian Tintori, iyo gabadhiisu ay “marti u yihiin” Safaaradda Chile ee Caracas, isagoo ku daray in sida uu yiri ay “Chile xaqiijinayso taageerada dimoqraadiyiinta Venezuela.”

Dad shacab ah oo taageersan kooxaha mucaaradka ayaa isku dayay inay xoog ku qabsadaan Caracas, taasoo dhashay inay dhaawacmaan 50 qof oo qaarkood la jiirsiiyay gawaarida ciidamada rabshadaha la dagaallama iyo 11 kale oo la xirey.

Waxaa meelaha qaar ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Ilaalada Qaranka, kuwaasoo ay qaarkood u goosteen dhanka mucaaradka, waxaase soo baxay muuqaal hubka looga dhigayo jidka dhexdiisa.

Arrinta ayaa weli cakiran magaalada Caracas, iyadoo ay xitaa warar ka imanaya Maraykanka oo ah cidda gadaal ka riixaysa mucaaradka Venezuela ay sheegayaan in Madaxwaynaha dalkaasi Nicolás Maduro Moros, uu u baxsan rabo dalka Cuba.

 

Hadalsame Media