NASIIB DARRO: Sh. Shariif oo wada dadaal lagu heshiinayo labadii hay’adood oo iyaga sare loo eegi lahaa + Sawirro

0

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Shiekh Axmed ayaa  magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo   uu ku doonayo in uu ku dhaxdhaxaadiyo Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka.

Shariif Shiekh Axmed ayaa xalay la kulmay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa ayna isla soo qadeen dhamaynta khilaafka labada Guddoomiye.

Sidoo kale waxyaabaha ay isla soo qaadeen  saddaxda dhinac waxa ka mid ah  dhamaystirka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Waxa ku wehliyay kulankan Shariif Shiekh xubno ka mid ah Barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku jira xisbigiisa siyaasadeed ee Himilo Qaran.

Shariif ayaa ballan qaaday inta uu kulankan uu socday in uu gacan wayn ka gaysan doono hannaanka geeddi socodka dowladnimada dalka.

Waloow ay tani tahay tillaabo wanaagsan misna waxaan la fahmi karin isla markaana aan dadwaynaha weli loo sharrixin waxa shakhsiyaynaya shaqada labadan hay’adood ee ku soo koobaya khilaaf u dhexeeyo laba qofood.

Hadalsame Media