”Marna geli mayno gaashaan buur ka horjeedda Qadar & Turkey!” – Somalia oo raacaysa siyaasad dibadeed cilladaysan!

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2019 – Wasiir Dibadeedka Somalia, Ahmed Ciise Cawad ayaa hoosta ka xarriiqay in dalkiisu uusan geli doonin gaashaan buur kasta oo ka horjeeda dowlada Qadar iyo Turkiga.

Wuxuu sheegay in arrintaa daraadeed Somalia looga saari rabo isbahaysi uu Sucuudigu hor boodayo oo ka kooban dalalka kulaala Badda Cas, Badda Carabta iyo Gacanka Caqaba.

Wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo maalgashiga Qadar gaar ahaan dhanka kaabayaasha xeebaha iyo dekedaha, isagoo sheegay in Somalia oo leh badda ugu wayn inta isku dheggan ee qaaradda Afrika oo laga saaray Madagascar, ay waddo aragti ah in la dhiso 8 dekedood.

Wuxuu sheegay in waloow ay Somalia qaadatay moowqif dhex dhexaad ah oo ay xaq u leedahay maadaama ay tahay dal xor ah, misna uu saamayn ku yeeshay khilaafka Khaliijku.

”Somalia sidii hore ma aha, waana in la ogaadaa inay wax is bedeleen oo ay go’aannadeeda u madax banaanaataa.” ayuu yiri Wasiirku.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa qaba in waloow ay sax tahay inay Somalia dhexdhexaad ka noqotay khilaafkii Khaliijka aanay misna micne samaynayn in Somalia ay noqoto dal markasta ku xiran mawaaqifta Qadar iyo Turkiga, taasoo lafteedu kasoo horjeeda madax banaanida iyo dhexdhexaadnimada Somalia.

Balse loo baahan yahay in taa biddaalkeeda lala yimaado siyaasad lagula socon karo dhamaanba dalalka xiriirka soo jireenka ahaa la lahaa Somalia iyo kuwo cusub, si ay Somalia u noqoto dal ay kala macaashaan cid kasta oo iskaashi diyaar u ah.

Hadalsame Media