Ma ogtahay inuu ”KHALAD” yahay qaabka aan u adeegsanno DAB-DAMISKA? Waa sidee sida saxda ah magacee se ku habboon?

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2019 – Magaca Dab-damis sida ay Soomaalidu ugu bixisay ama u fahamsan tahay iyo shaqada ay ku qabtaan waa is leeyihin ama is waafaqsan yihiin, sida uu qabo Foowsi Camoore oo ka sheekaynaya dhacdo uu usoo joogey.

Dalka Somalia Dab-damis waxa loo baahdaa oo qura marka dab kaco, laakiin adduunku waxay u adeegsadaan arrimo aad u fara badan oo muhim ah howlmaadmeedyada madaniga ah, tusaale ahaan, ilmo yar ama qof wayn oo meel dheer kasoo degi la’ ama iska tuuri raba iwm.

Lafteeydu anigoo aaminsan in dabka bis ay ka shaqeeyaan ayaan maalin la kulmay waddo uu shil gaari ka dhacay oo aad loogu dhamaday ka dhacay, dalka Sucuudiga.

Dadkii shilka kusoo xoomay ayaana ka mid noqday, balse dadka waxay ku qeelinayan ”difaacal madani halawaco دفاع المدني”, deeto waxaan qalbiga iska dhahay ”dadku ma waasheen, may wacaan ambalaas اسعاف?” ayuu is waydiiyay Foowsi.

Waxaa markiiba yimid Guutada Gurmadka Deg Degga ah ee Dab-damiska ama difaacul madaniga waxayna laso bexeen qalabkoodi isla markiiba waxay jar jareen gaarigi waxayna soo saareen dadkii dhaawaca ahaa ee ku dhex jirey.

Maalinkaas waxaan ogaadey in magaca ay Soomaalidu u bixisay uu khalad yahay oo ay ku fiican yihiin magac ka habboon sida GUUTADA GURMADKA DEG DEGGA AH IWM.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments