Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo weerar gaadmo ah lagu diley

0

(Hargaysa) 30 Abriil 2019 – Wararka ka imanaya dhanka Somaliland ayaa sheegaya in laba Sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Asluubta iyo Ciidanka Booliska la diley, kaddib markiii ay dabley hubaysani jidka u galeen deegaanka Yagoori ee gobolka Sanaag.

Sida ay wararku sheegayaan, labadda sarkaal ee la diley ayaa kala ahaaa Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Garadag.

Saraakiishaas oo uu weerarka lagu diley khaas ahaan ka dhacay deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, ayaa waxaa  bilowday howlgallo lagu baadi goobayo eedaysanayaasha loo haysto dilka saraakiishan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy qoysaskii iyo ciidankii ay ka kala baxeen labada sarkaal ee la khaarajiyay, isagoo ku amray hay’aadka amniga in xeerka la horgeeyo dadkii gaystey falkaasi foosha xun.

”Wuxuu Madaxweyne Muusu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.” ayuu u dhignaa qoraal uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha SL Maxamuud Warsame Jaamac.

Hadalsame Media