DAAWO: Norway oo lagu qabtay NIBIRI basaas ah (La yaabka adduunka)

0

(Oslo) 30 Abriil 2019 – Kalluumaysato ku sugnayd woqooyiga Norway ayaa aad u yaabay, kaddib markii ay arkeen nibiri xiran suuman ay kaamiro ku rakiban tahay.

Yeelkeede, waxaaba kasii darnayd markii ay khubarada wax ka taqaanna culuunta baddu ay sheegeen in caanaleeydan ay tababareen ciidamada Ruushka oo basaas ahaan u adeegsanayay, sida ay qabaan.

Jorgen Ree Wiig, oo yaqaanna Bayolojiga badda ayaa CNN uga sheekeeyay arrintan: “Nibirigu wuxuu u muuqdey mid ciyaar badan, balse wax baa nagu yiri wuxuu u baahan yahay in suumanka laga furo.”

Wuxuu sheegay in suumanku ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo diyaariyay, kuwaasoo xajinayay kaamirooyin ah nooca GoPro iyadoo ay suumanka ku qornayd in “Agabka laga leeyahay magaalada St. Petersburg” ee dalka Ruushka.

Wiig ayaa rumaysan in nibirigan muluqa ihi uu kasoo baxay magaalada Murmansk, Russia, oo uu qabo tababar, iyadoo Ciidamada Badda Ruushka la sheegay inaysan ku cusbayn inay nibiriga yar yar u tababaraan howlgallo gaar ah.

Martin Biuw, oo ah nin daraasadeeya caanaleeyda bad ku noolka ah kana tirsan mac’hadka Norway ee daraasaadka badda (Institute of Marine Research), ayaa ku raacay Wiig, isagoo CNN ku yiri: “In xayawaankan la tababaray waa mid aan shaki ka taagnayn.”

Biuw ayaa ka dhawaajiyay arrin kale oo uu ka tusmeeyay hab-dhaqanka nibirigan khaaska ah oo ah inuu madaxa lasoo baxayo marka uu dooni arko isagoo  afka kala taagaya una muuqda mid abaal marin ahaan kalluun loo siin jirey, sida uu sheegay.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media