AJAX 3 koox oo qura ayaa ka rikoodh wanaagsan dhanka ka gudbitaanka nus-dhamaadka CL + Sawirro

0

(London) 30 Abriil 2019 – Haddii xisaabta lagu daro bandhiggii Ajax ee kulamadii hore ee Koobka Horyaallada Yurub oo lagu daro lugta hore ee nus-dhamaadka CL oo ay haatan 1-0 ku hoggaaminayso, waxaa lasii saadin karaa inay rajo wayn ka leedahay usoo bixitaanka dhamaadka.

Ogoowna arrintaasi waxay dugsanaysaa taariikh hore, waayo Ajax maaha koox kusoo booddey koobkan ee waa koox ka mid ah kubarada ugu guusha badan oo 4 jeer ayay hanatay.

Waxaa sii dheer rikoodhkeeda ka gudbitaanka nus-dhamaadka oo ay kaliya kaga fiican yihiin 3 kooxood, marka la eego inta badan kooxaha kasoo muuqday ugu yaraan 5 nus-dhamaad oo KHY ah.

Halkan ka DAAWO sawirro dheeraad ah….

Kooxaha ka fiicani waa Benfica (7/8 – 87.5%), AC Milan (10/12 – 83.3%) iyo Liverpool (8/10 – 80%), waa marka ay timaaddo boqolleeyda ka gudbitaanka nus-dhamaadka marka loosoo boxo. Ajax waxay leedahay (6/8 – 75%).

Hadalsame Media