Puntland oo sheegtay inuu madlan yahay kulan dhexmari doona madaxda DF Somalia & maamullada dalka

0

(Garoowe) 28 Abriil 2019 – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in dhowaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland uu ka dhici doono shir looga hadlayo xaalada guud ee dalka.

Madaxwayne Deni ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu xusay Madaxwaynaha Puntland in shirkan ay ka soo bixi doonaan qodobbo muhiim ah shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri, waloow aanu tafaasiil badan ka bixin nooca ay noqon karaan.

Wuxuu se sheegay inay ku qotomaan, sidii ay u wada shaqayn lahayeen maamul goboleedyada iyo Dowladda Dhexe in lagu soo  hadal qaadi doono shirkan ka furmaya magaalada Garoowe.

Horay waxa u qabsoomi waayay shirkii maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, kaas oo ka dhici lahaa Muqdisho kaddib markii ay ka biyo diideen xubno ka mid ah maamul goboleedyada oo kubad dhagax xalka dheereeynaysa la ciyaaraya DF.

Sidoo kale, waxaa jira guux dadwayne oo ku salaysan waxa kasoo bixi kara shirkan oo ay qabanayso Puntland oo lafteedu ka mid isla maamullada badanaa ku kacsan DF.

Hadalsame Media

Facebook Comments