DAAWO: Daroon ay Iiraan leedahay oo aad ugu dhowaaday markab dayuuradaha xambaara oo Maraykan ah + Sawirro

0

(Tehraan) 28 Abriil 2019 – Nooc ah Dayuurad Cireedka aan cidina wadin Daroonka (UAV) oo ay leeyihiin ciidamada Iiraan ayaa la sheegay inuu si aad ah ugu soo dhowaadey markab uu Maraykanku leeyahay oo ah nooca dayuuradaha xambaara.

Markabkan oo marayey Gacanka Beershiya ayaa markabka kasoo qaaday sawirro waadax ah (HD), sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ah ee Iiraan.

Muuqaal ay sii daayeen Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan, ayaa muujinaya sawirro ay dhanka cirka ka qaadday dayuurad ah nooca ay Iiraan farsamayso ee Ababail-3.

Hadalsame Media