Shabaabku cadaawaddooda CAQLI maku daraan? (Laba caalim ayaa isaga jawaabaya)

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2019 – Qoraalkan waxaa afkaaro laga fur ah oo cilmi ku dhisaalan isku waydaarsanaya labada aqoonyahan ee Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabduqaadir Diiriye oo ka doodaya aragtida ah ”Shabaabku caqli maku daraan cadaawaddooda?”

Waxaa ku horreeynaya Sheekh Cabdiraxmaan oo ku bilaabaya sidatan: Al Shabaab haddii ay caqli isticmaali lahaayeen oo ay fikiri lahaayeen dadka mallaayeen. Caqligu waa xadhiga dadka xumaanta ka celiya. Haddii la fikiri lahaa, wax la is waydiin lahaa, caqliga laga shaqaysiin lahaa dhibta aan maanta ku jirno kuma aynaan jirneen.

Al Shabaab, waxay ka yimaadeen bulsho caqliga iyo fikirka ka doorbidda nusuus la fasiray, oo xagga diinta loo leexiyay. Fikraddaas caqli ka fogaanshaha ku salaysan ayaa u shaqaysay. Waxayna keentay, waxa aan hadda aragno.

Haddii caadifadda kaliya lagu shaqeeyo oo fikirka iyo caqliga meesha laga saaro, waxaa shaqaynaysa, caadifadda kaliya, caqliguna waa dhimanayaa.

Haddii caqligu dhinto, waxaa la fili karaa, sida hadda aan nahay. Dad la iska dilayo; hotel, suuq, guri, masaajid, xaafiis dowladeed, diyaarad korkeed, tareen, meel alla meeshii lagu arko lagu dilayo iyada oo aan wax sabab ah loo yeelin.

Dadka la dilayo, lama yaqaan, waxba idinma dhex marin. Aargoosi ma aha; danbi ay kaa galeen ma jiro. Kaliya in ladilo, ayaa cibaado ah. “اقتلوهم حيث ثقفتموهم” Alle ayaa lagu caabudayaa in dad badan oo aan waxba ogayn, waxna galabsan la laayo. Alle taas waa diiday. “ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزائه جهنم‘ خالدين فيها”

Ayaaddaas xugumkeeda waa la laalay; maxaa yeelay, caqli iyo caddaalada ayay ku dhisantahay. Waxaa lagu badalay, cibaado iyo caqiido aan caqli ku dhisnayn. “وكذلك زين لكثير من المشركين قتل اولادهم شركائهم ليردوهم وليلبسو عليهم دينهم”
“Sidaas ayaa loogu qurxiyay Mushrikiintii Carbeed, inay caruurtooda u qalaan, ilaahyaalkooda.’’

Isla sidaas ayaa loogu qorxiyay Al-shabaab, inay dadkooda laayaan, iyaga oo Alle ku caabudaya, abaal marina uga rajaynaya. Waxaa u sahlay, inay sidaas yeelaan, maqnaanta caqliga iyo fikirka.

Haddaba, Soomaaliyeey, ogaada wax alla waxa hadda ina haya, oo dhib ah, lagu daro, midda Al-shabaab, waa fikir la’aan iyo caqligeenna oo aynaan isticmaalin.
Caqiido diimeed, saxna way noqon kartaa, khaldna way noqon kartaa. Khaladka iyo saxda waxaa lagu kala soocaa oo lagu kala gartaa, waa in la fikiro oo caqliga laga shaqaysiiyo.

Cilmigu waa awoodda aadanaha xoogga siisa. Xoogga dhaqaale, sanco iyo ciidan waxaa lagu keenaa cilmi. Cilmina waxaa lagu keenaa caqli. Nabadda iyo raaxadu waa mirihii caqliga iyo fikirka. Gaajada iyo colaaduna waa miraha, caadifidda iyo caqiidada khaldan ee aan caqli galka ahayn.

Soomaaliyeey, cawimo aadane kale iyo ciidamo shisheeya midna uma baahnin. Waxaan u baahannahay, inaan fikirno oo caqligeenna isticmaalno. Caqligeenna aan u isticmaalno dhammaan arrimeheenna.

Waad mahadsantihiin.

Qore: Sheekh Cabdiraxmaan M Jibriil

JAWAABTA MAQAALKAN

Shabaabku caqli waa isticmaalaan laakiin si xun ayey u isticmaalaan. Waxay maamulaan dad iyo hanti, waxbay qorsheeyaan, waxbay abaabulaan waxna waa fuliyaan. Intaasu caqli la’aan ma suurowdo.

Dhibku waa isku xirka caqliga, aqoonta, caqiidada iyo akhlaaqda oo markaa si miisaaman u saameeya go’aamada qofka iyo kooxda. Dhibkaasu wuxuu haystaa dad, kooxo iyo waddammo badan oo ay caddahay in go’aamadoodu qaldan yihiin.

Dagaalkii labaad waxaa ku dhintay 60 milyan waxaana isugu tegey dad yaqaan istiraatiijiyadda, sayniska hubka, injiyeero iyo siyaasiyiin aan caqligooda la tuhmeyn. Laakiin waxaan is leeyahay waxaa maqnaa miisaan iyo dheellitirnaan.

Qorshaha, waddada qorshaha loo marayo iyo qiimaynta natiijooyinka intaba shabaabku waa igula khaldan yihiin waxaanse is leeyahay dhibkoodu kuma koobna caqliga keliya ee waa miisaanka arrimaha isa saxaya oo aanay isu dheelli tirin.

Mahadsanid Shiikh.

Qore: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media