Kenya oo halis ugu jirta in la xaraasho hay’aadka dowladda (QAAMO xad dhaaf ah oo lagu leeyahay)

0

Hay’aadka dadwaynaha sida hilinka la iska arko ee KBC, garoomo iwm ayaa halis ugu jira in la xaraasho, haddii ay Kenya bixin waydo qaamaha lagu leeyahay ee cirka ku shareeran.

Qaamaha haatan lagu leeyahay Kenya ayaa dhaafsan xadka Xeerka u degsan Maaraynta Maaliyadda Dadwaynaha ee Public Finance Management Act kaasoo dowladda u ogol inay soo amaahato wax aan ka badnayn 50% saamiga dakhliga uu dalku soo saaro (GDP ratio).

Baarlamanka Kenya ayaa iminka calanka cas taagey isagoo doonaya inuu sharci kasoo saaro lacagaha ay dowladdu soo amaahan karto, inta laga bixinayo qaamaha haatan oo gaaraya Ksh. 5.6 tariyan oo Shilinka dalkaasi ah, oo ay ku tilmaameen xad dhaaf.

Tiiyoo ay sidaa tahay ayaa waxaa xaalka uga sii daray MW Uhuru Kenyatta iyo hoggaanka mucaaradka Raila Odinga oo u tegey Beijing, si ay Shiinaha ula saxiixdaan heshiis cusub oo ku kacaya Ksh.368 bilyan oo shilin si loo kordhiyo jidka xadiidka ah ee Standard Gauge Railway (SGR) oo laga soo qaadayo Naivasha ilaa magaalada galbeedka dhacda ee Kisumu, waloow haatan la sheegay in amaahdaa loo diidey.

Guddi Hoosaadka Miisaaniyadda ugu qaysan Baarlamanka Kenya ayaa haatan keenay hindise sharciyeed dhigaya in amaahda dowladdu soo qaadan karto lagu xadeeyo ilaa Ksh.6 tarilyan.

“Ma ogolaan karno in Wasaaradda Maaliyadda ama Madaxwaynuhu ay iska go’aansadaan inta ay doonaan inay soo amaahdaan,” ayuu yiri Sigowet Soin oo ah xildhibaan laga soo doorto degaanka Kipsengeret Koros.

Waxaa horay loo hadal hayey inuu Shiinuhu la wareegi karo ama xaraashi karo dekedda Mombasa haddii aanay dowladda Kenya iska bixin qaamaha lacag uu halkaa ku maalgeliyay.

Hadalsame Media

Facebook Comments