Hoggaamiyaha waa inay meel fog wax uga HIRAAN (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2019 – Ninkii ku dhawaaqay Israel, David Ben-Gurion, wuxuu marka hore isugu yeeray horjoogayaashii malleeshiyadii Haganah oo ciidanka u ahayd. Haganah waxay afka Hebrew ku tahay difaac.

Wuxuu ku yiri; ”waxaan ku dhawaaqi rabaa in aan nahay dal xor ah. Waana dagaal-ma-hurto oo in nala soo weeraro ayaan u diyaar garoobeynaa. Laba saacadood ayaad haysataan in aad soo diyaarisaan liiska hubka aad u baahan tihiin.”

Waxay la soo laabteen liiska qoryaha, boobayaasha, bastooladaha iyo bambaanooyinka ay u baahan yihiin.

Markii uu liiska akhriyay wuxuu ku yiri, ”anigu waxaan idiinma dirin. Waxaan idiinkaga baahan ahay waa in aad ii sheegtaan tirada Maraakiibta dagaalka, dayaaradaha iyo Madaafiicda aad u baahan tihiin.”

Yuhuuddu berigaas waxay ahayd dad taagdaran haddana niyad jabsan oo ka soo haray kuwii Hitler gumaaday qaar badanina ay yihiin dad meelo kala duwan ka soo hayaamay qaarna la soo raray.

Markii ay shirka ka soo baxeen madaxdii malliishiyadu waxay iska dhaadhiciyeen odaygu in uu waashay.

Sheekadan oo aan ka dhegeystay Alon, oo ah wiil uu awoowe u yahay Ben-Gurion, oo TV u warramayay waxay tusaale u tahay in aad u baaahan tahay in uu hammigaagu xor ka ahaado xaaladda markaas kugu gadaaman.

Weliba marka aad hoggaamiye tahay ayaad ugu baahi badan tahay in riyadaadu ay aad uga horreyso riyada dadka kale.

AFEEF: Qormadani kuma saabsana qaddiyadda Falastiin iyo xiisadaha kale ee ka aloosan Bariga Dhexe. Waxaan hadda ka hor soo bandhigay 2016.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media