FIIRI OO KA FAA’IID: Ma malayn kartid meesha uu wiilkani AKHRIS ku gaarey!

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2019 – Waa wiil yar oo reer New York ah oo Saboolnimo ama faqri aad u daran kusoo koray iyadoo xiligii uu yaraa aan iskuul la gayn haba yaraateena wax aqoon ah ma laheyn.

Aabihii markii uu dhintay, saaxiibadiis ayaa kafanta dhaqaalaheeda u uruuriyey waxaana markii aabihii uu dhintay kadib ay hooyadiis bilowday in ay kashaqayso warshad dalladaha samaysa, waxa ayna maalin kasta shaqayn jirtay toban saacadood, sidaas oo ay tahay shaqada qayb ayaa ay xaafadda la aadi jirtay oo ay illaa habeen barkii ku gaari jirtay si ay dhaqaale ay iyada iyo wiilkeeda kuwada noolaadaan u hesho.

Isaga oo dhibaatooyinkaas ku koray ayaa uu kaqaybgalay samaynta majaajilooyin kaniisadda laga samaynayay. Waxa uu dareemay in uu aad ugu fiicanyahay jilitaanka kadibna waxa uu go`aansaday in uu barto sida dadka hortooda looga hadlo ama loogu khudbeeyo.

Sidaas ayaa uu siyaasadda kugalay. Markii uu gaaray da`ada soddonaad ayaa loo doortay golaha xeer-dajinta ee New York. Balse si aan caqli-gal ahayn ayaa uusan ugu diyaarsanayn masuuliyaddaas. Waxa uu ii sheegay in xataa dhabtii uusan aqoonin waxa ay shaqadaasi ku saabsanayd oo dhan.

Waa uu layaabay oo amakaag ku kudhacay markii loo doortay guddiga illaalada dooxooyinka isaga oo aan xataa waligiis dooxo arkinin. Waxaa kasii amakaag badnayd markii loo doortay in uu xubin kanoqdo Golaha Bangiyada asaga oo aan waligiisba xataa bangi adeegsan.

Isaga naftiisa ayaa xataa ii sheegay in uu markasta doonayey in uu iscasilo haddii uusan ka yaxyaxayn in uu hooyadiis horteeda uu ku fashilmo.

Quusasho isaga oo taagan ayaa uu go`aansaday in uu maalin kasta lix iyo toban saacadood oo kamid ah uu wax akhriyo jahligiisiina uu u baddalo aqoon iyo iftiin. Intaas samaynteeda ayaa kadhigtay in uu ka gudbo siyaasi gobolkiisa ah oo uu noqdo nin dalka dhan ku baahsan. Waxa uu gaaray heer joornaalka ama wargeyska New York Times ugu yeero sidan:

“Waddaniga loogu jecelyahay New York“.

Ninka aan kasheekaynayay magaciisu waa Al Smith.

Toban sano oo uu Al Smith dhexgalay in uu siyaasadda naftiisa barayo, waxa uu noqday madaxda ugu sarraysa ee Mareykanka. Waxaa loo doortay gudoomiyaha New York afar jeer oo isku xigta, heer aan nin kale uusan waligiis gaarin.

Sannadkii 1928-dii waxa uu u tartamay in uu noqdo Madaxwaynaha Mareykanka isaga oo ka socda xisbiga Dimiquraadiga. Lix jaamacadood oo waawayn oo ay ka midyahiin Harvard iyo Colombia ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey ninkaan aan waligiis iskool dhiganin.

Al Smith isaga laftigiisa ayaa ii sheegay in waxaan oo dhan aysan u qabsoomeen haddii uusan lix iyo toban saacadood maalin kasta wax akhriyeen, si naaquska kujira uu faa`iido uga dhaliyo.

Bal iswaydii intee saacadood ayaa maalintii ama toddobaadkii wax akhridaa?

Ma noqon doontaa kuwa joogtada wax u akhriya?

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho : How To Stop Worrying And Start Living. By Dale Carnegie.

Turjumiddii: Dr Jaamac Sahal

Hadalsame Media