DAAWO: Maraykanka oo dalal ay Somalia ka mid tahay ka wada dagaal aysan xitaa dadkiisu ka warqabin

0

(New York) 27 Abriil 2019 – Warbixin haatan soo baxday ayaa muujinaysa inay si tartiib tartiib ah u kobcayaan howlgallada ay Ciimadama Maraykanku ka wadaan qaaradda Afrika, kuwaasoo aysan xitaa ogayn dadwaynaha Maraykanku.

Intii u dhaxaysey 2013 ilaa 2017, ciidamada howlgallada sameeya ee Maraykanka ayaa dagaallo ka galay ugu yaraan 13 dal oo Afrika ah, sida ku cad warbixin lagu daabacay Yahoo News.

Hilinka RT oo shacabka New York ku kediyay inay wax ka ogyihiin baaqyada ay Ciidamada Xoogga Maraykanku u adeegsadaan dagaallada qarsoodiga ah ee ay ka wadaan qaaradda Afrika, midkoodna waxba kama garan.

Dalalka uu Maraykanku ka wado howlgallada hoosan ayaa waxaa ka mid ah dalka Somalia, isagoo deggan Muqdisho, Kismaayo iyo saldhigga cirka ee Ballidoogle.

 

Hadalsame Media