YAAB! Ganacsade Chinese ah oo ”Oday Dhaqameed” ka noqday dalka Nigeria + Sawirro

0

(Kano) 25 Abriil 2019 – Hoggaamiyaha Jaalliyadda Shiinaha ee woqooyiga Nigeria ayaa ”loo cimaamaday” caaqil ama beeldaaje ahaan, xilkaasoo uu u gartay Amiirka gobolka Kano,  Sanusi Lamido Sanusi.

Amiirka ayaa gobolkaa ku leh saamayn dhaqan iyo mid diimeed, waxaana xaflad ka dhacday Kano Md Mike Zhang la huwiyey darajada Wakilin Yan China, taasoo ka dhigay inuu yahay hoggaanka jaalliyadda Shiinaha, waxaana madaxa loo saaray duub wayn.

Taasi waxay ka dhigan tahay aqoonsi la siinayo bulshada Chinese-ka ee ku nool gobolkan Muslimiintu ku xooggan tahay ee Kano oo ah gobolka ugu wayn woqooyiga Nigeria, sida uu sheegay tifaftiraha laanta BBC ee afka Hausa, Jimeh Saleh.

Waxaa guud ahaan Nigeria ku sugan ganacsato badan oo Chinese kuwaasoo mararka qaar lagu eedeeyo inay shaqooyinkii ku ciriiryeen dadka maxalliga ah.

Mr Zhang ayaa sidaa darteed noqon doona qoorta u dhaxaysa bulshada Shiinaha iyo dadwaynaha gobolkan, sida ay sheegtay BBC News.

Hadalsame Media