”MAY MAHADSANID!” – Sawirka gabar Soomaaliyeed oo hab siinaysa RW NZ oo laga diidey magaalada Melbourne + Sawirro

0

(Melbourne) 25 Abriil 2019 – Kumannaan Australian ah ayaa saxiixay codsi ku saabsan in la joojiyo muuqaal muujinaya RW NZ ee Jacinda Ardern oo hab siinaysa gabar Muslimad ah oo lagu soo bandhigi lahaa magaalada Melbourne.

Qorshahan ahaa in sawir 23-mitir ah lagu soo bandhigo jidka Tinning Street ee Brunswick ayaa looga gol lahaa in lagu xusuusto dhibanayaashii weerarradii masaajidda Christchurch, halkaasoo ay 50 qofi ku dhinteen Maarso 15.

Yeelkeede, charge.org oo sheegay inay ka dhiidhinayaan ‘in Melbourne lagusoo bandhigo dhacdo aan xiriir la lahayn’ ayaa waxaa ilaa iminka codsiga arrintan lagu joojinayo saxiixay 1,400 oo qof.

‘Waa wax aysan doonayn Australia. Wax xiriir ahna aan la lahayn Australia,’ ayuu ku dooday Jenny Davis, oo saxiixay codsigan.

Waloow ay leeyihiin Australia xiriir lama laha misna ninkii weerarkaa ka gaystey NZ wuxuu kasoo jeedaa gobolka New South Wales ee Australia.

Sawirkan oo dunida ku baahey ayaa ah Naciima Cabdi oo ah gabar Soomaaliyeed iyo RW New Zealand.

Hadalsame Media