DF Somalia oo looga digey inay ku degdegto saxiixa baarista shidaalka Somalia

0

(Nairobi) 25 Abriil 2019 – Waxaa beri dhowayd magaalada London ee caasimadda UK lagu soo bandhigay baloogyo saliideed oo la sheegay in loo bandhigayo sharikaad caalami ah oo sahmin doona soona saari doona.

Yeelkeede, dad kala geddisan oo doodo ka keenay geeddi socodka loo marayo qaabka saliiddan loogu bandhigayo sharikaadka caalamka oo inta badan danahooda raacda, haddii uusan jirin xisaabtan adag.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa codkiisa ku biiriyay dadka Somalia uga digaya inay deg deg wax ku saxiixaan, waxaanu yiri:

”Somalia waa inaysan marna sina qandaraas ugu dhiibin khayraadkeeda (saliid, gaas & macaadin) iyadoo uusan jirin yabooh furan oo shaac ah.

”Baloogyada waa in la siiyaa qofkii ugu kharash badnaada. Sida uu Wasiirku geeddi socodka u wadey kaddib shirkii London waa mid si cad tuhun u dhalinaya.” ayuu yiri Faarax Macallin.

Waxaan weli caddayn boqolleeyda ay Somalia ku leedahay haddii saliiddan ama gaaskan lasoo saaro.

Hadalsame Media