CEEB: RW Xigeenka Talyaaniga oo waqti u helay inuu cambaareeyo bandhigga Milan, balse ka aamusay cunsuriyad lagula kacay ciyaartooy madow ah! + Sawirro & Muuqaal

0

(Milano) 25 Abriil 2019 – RW Xigeenka Talyaaniga oo sidoo kale ah taageere Milan, Matteo Salvini, ayaa bandhiggii ay kooxdiisu ka samaysay ciyaartii nus-dhamaadka Coppa Italia ku tilmaamay ‘sharaf dhac’.

AC Milan ayaa seegtay fursad ay sanadkii 2-aad oo xiriir ah ugusoo bixi lahayd dhamaadka Coppa Italia, kaddib markii ay 1-0 uga badisay kooxda Lazio, waxaana arrintaa ka hadlay Salvini.

“Dadka qura ee qalbi, shucuur, go’aan iyo aragti ciyaarta la yimid waa taageerayaasha Milan. Sharaf beel!” ayuu soo qoray.

Yeelkeede, ninkan oo lagu tilmaamo nin cunsuri ah ayaa waloow uu bandhigga cambaareeyay aan misna ka hadal cunsuriyad lagula kacay laacibiinta madoow ee Milan sida Tiemoue Bakayoko oo ay caayayeen taageerayaasha Aquile.

Taageerayaasha Lazio ayaa sidoo kale garoonka San Siro bannaankiisa kusoo bandhigay heeso ay ku amaanayaan hoggaamiyihii Fajiistaha ahaa ee Benito Mussolini.

Sidoo kale xiriirka kubadda cagta Talyaaniga oo muddo todobaad ah si xanaaq ku dheehan yahay uga hadlayay funaanad ay kaftan ahaan usoo bandhigeen laacibiinta Kessie iyo Bakayoko ayaan weli waxba ka dhihin falka xishood darrada ah ee taageerayaasha Lazio.

Hadalsame Media