DAAWO: ”Ilhaan Cumar abaal ma leh!” – Fox News oo u dad badsaday weerarka uu ku hayo Ilhaan!!

0

(New York, NY) 24 Abriil 2019 – Weriyaha muxaafidka ah ee hilinka Fox News ee Tucker Carlson ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo uu ku tilmaamay mid aan “abaal lahayn” isagoo ku eedeeyay “inay nolosheeda ku dhamaysay weerarka dalka Maraykanka.”

Ninkan oo lagu tilmaamo mid xag-jir ah ayaa tixraacayay tweet hore oo ay 2017-kii Ilhaan Maraykanka ku eedaynaysey inuu kumannaan Soomaali ah ku laayay dalka Somalia, xilligii dagaalkii Black Hawk Down ee 3-dii Oktoobar 1993-kii.

Dagaalkaa oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 18 askari oo Maraykan ah, waxaana lagusoo ridey laba dayuuradood, halka lagu gubey gawaawi gaashaaman oo ay wateen dalalkii usoo gurmanayay Maraykanka, balse waxaa sidoo kale ku dhintay tiro badan oo Soomaali ah oo rayid u badan.

Askarta Maraykanka ayaa qaarkood lagu jiidey jidadka Muqdisho qaarkood, taasoo keentay inuu Maraykanku ka boxo Somalia.

“Waxaa jira qof lagu keenay Maraykanka canshuurta shacabka, waayo waxaan nahay dal naxariis badan oo qaabila qaxooti badan,” ayuu yiri Carlson.

“Balse halkii ay ka noqon lahayd qof taa ka abaal haya, waxay nolosheeda ku dhamaysatay weerarka dalkan. Sabab?,” ayuu Carlson waydiiyey Kyle Lame, oo ah seddax alifle howlgab ah oo kasoo dagaallamay Muqdisho.

“Waxaannu doonaynaa inay fahamto inay iminka nolol wanaagsan ku nooshahay, maxaa yeelay waxaa qoyskeeda u suura gashay inay kasoo baxsadaan argagixii Muqdisho.” ayuu ugu jawaabey Lame.

Hadalsame Media

Facebook Comments