Sida uusan SHARCIYAD u haysanin shirka & soo jeedinta Nairobi

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2019 – Xisbi ama xisbiyo mucaarad ah way dalban karaan in xukuumad jirto la badalo tu kalana la soo dhiso, haddii ay aqlabiyad iyo sharciyad u haystaan taas.

Waxaanse meeha ku jirin in mucaaradi dhoho haddii sidaa layeeli waayo annaga ayaa xukuumad soo dhisayna, taasina waa iska hadal tire uun.

Dhanka kale, waxa ay arrintani ku tusaysaa halka ay wax gaareen 2 sano kadib, meesha lagu shiray iyaduna macno kale ayay samaynaysaa iyada oo aan ognahay in horay loogu diiday in ay xitaa shir jaraa’id ku qabtaan.

Xukuumadda waxaa laga rabaa in sidii dhaqanka u ahayd aysan is waalin oo ay caadi iska dhigto, waxa aan ku qanacsanahay in dib udhac jiro marka la fiiriyo qiimayntayda kor joogtanimo, haddana hawli waa ay socotaa intii ay rabto hala ekaatee.

Biirsiga maalmahaan la sheeg-sheegayo ayaa laga yaabaa in qayb cadaadiska kamid ah uu keenay iyo duruufaha guud ee inagu xeeran.

Meeshaan waxaa taalla hawl cid waliba ku culus, balse ay tahay in la qabto.

Waxaa Qoray: Dr Maxamed Xasan Nuur

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media