”HA II SHEEGINA!” – Mary Harper oo ka sheegatay mashaqo ay kala kulanto kooxda Shabaab!

0

(London) 23 Abriil 2019 – Mary Harper oo ah Tafaftiraha BBC-da Afrika ayaa sheegtay in ay dhibaato ku qabto wicitaanka Al Shabaab marka ay qaraxyo ama dhibaatooyin kale ka gaystaan meelo ka mid ah Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Mary Harper in marka ay ka qaban waydo telefoonada Al Shabaab in ay u soo diraan  Email-lo taas oo ay tiri ”waxa ay igu riday walwal.’’

10 ilaa 17 jeer maalintii ayay sheegtay in ay soo wacaan Al Shabaab, isla markaana cabsi ay ka qabto in ay lumiso asxaabteeda kale ee Soomaaliya ka soo wacaya.

”Waxan dareemayaa xanuun dhanka maskaxda ah ee uu ku reebay wicitaanka Kooxda Al Shabaab oo aan aad u dhibsaday in ay ila wadaagaan dhibaatada iyo silaca ay ka gaystaan Sooomaaliya.” ayay tiri Mary Harper, Tafaftiraha BBC-da Afrika.

”Xilliyada aan  waqtiga la qaadanayo qoyskayga waxaanan fursad u helin ka jawaabista wicitaanka, dibna uguma celin karo dadkii isoo wacay ee Soomaaliya, waayo waxan ka baqayaa in ay igu noqdaan Al Shabaab.’’ ayay warkeeda sii raacaysay.

Dhawr jeer ayay sheegtay in Al Shabaab ay kala kulantay hanjabaad ah in ay dili doonaan.

Hadalsame Media