”Ciidamada Maraykanku ”Kumannaan” ayay Somalia ku laayeen!” – Ilhaan Cumar

0

(Washington, DC) 23 Abriil 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa hadda kahor Twitter-ka ku sheegtay in Maraykanku uu diley “kumannaan” Soomaali ah, sanaddii 1993-kii gaar ahaan howlgalkii ku caan baxay magaca “Black Hawk Down.”

Twitter-kan oo ay soo qufeen kuwa mucaaradsan Ilhaan, ayaa dhacay Oktoobar 2017 waxaana tweet-kaa soo saaray weriye John Rossomando.

Cumar ayaa u jawaabaysey nin Twitter kusoo qoray in daraasiin ka mid ah askarta Maraykanka lagu diley, 73 kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay inuu ahaa “dagaalkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Somalia.”

Cumar ayaa markiiba warkiisa beenisey, iyadoo ku adkaysatay in weerarradaa lagu laayay “kumannaan” Soomaali ah oo ay dileen ciidamada Maraykanku.

“Xusuustiisa muraadka leh wuxuu ka ilaawey inay ciidamada Maraykanku sidoo kale dileen kumannaan Soomaali ah maalintaas,” ayay Ilhaan soo tweet garaysay.

Weerarkaas oo dhexmaray malliishiyo taabacsanayd Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidamada Maraykanka ayay Washington dafirtaa tirada dadka rayidka ah ee dagaalkaa ku dhintay.

Hadalsame Media