DF Somalia oo ku CEEBAYSAN arrin kusoo korortay xeebta Liido (AMISOM oo ku lug leh)

0

(Muqdisho) 23 Abriil 2019 – Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho waxa dhawaanahan lagu arkayay qashin tiro badan oo bedelay muuqalkii xeebta.

Qashinkan ayaa ah mid lagu daaday gudaha xeebta dadka ay u damaashaad tagaan ee Liido isla markaana biyaha ay banaanka u soo saareen.

Muuqaalka Xeebta  ayuu isbedel aan wanaagsanayn ku keenay qashinka faraha badan ee lagu daadinayo xeebaha Gobolka Banaadir.

Prof: Xuseen Macallin Iimaan  oo ah khabiir dhanka fayadhawrka ah ayaa sheegay inuu dhibaato caafimaad keeni karo qashinka lagu qubayo xeebaha Muqdisho.

Waxa uus sheegay Prof: Xuseen in AMISOM si maalinle ah xeebaha Muqdisho ay ugu soo daadiso taangiyo qashin ah taas oo uu yiri  ”waxa ay ka qayb qaadan kartaa nadaafad xumida degaanka.”

Xeebto Liido waxa si joogta ah u tago dadwayne badan kuwaas oo waqti qaadasho iyo hawo naqi ah u doonta xeebta.

Hadalsame Media