Weriye Coldoon oo dhaawacyo jireed loo gaystey (Meelaha ugu daran)

0

(Hargaysa) 22 Abriil 2019 – Wariyaha Samafalaha ah ee Abdilmalik Musa Coldoon oo Labada Gacmood ka xiran ayaa Shalay la geeyay Hosbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si loogu daaweeyo.

Coldoon, oo aan ugu tegay Hosbitaalka waxa ka muuqday dhaawacyo gaar ahaana dhinaca Afka, muddo kooban oo lay ogolaaday in aan la hadlo waxa uu ii sheegay in Ilkaha qaar dhaqaaqeen dhaawacyo kalena uu qabo.

Amarka maanta Hosbitaalka lagu geeyay waxa bixiyay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

Xigasho: Wariye Hassan Galaydh

Hadalsame Media