”Waxaan u soconney ciyaar!” – Cabasho ka timid dhallinyaradii ugu badnayd ee muddo lagu qabto Muqdisho

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2019 – Degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa xalay  ciidanka Booliska ay ka sameeyeen howlgalkii ugu adkaa ee lagu soo qab-qabay dhalinyaro tiro badan.

Xaafadaha Degmada Hodan ayay ciidanka waxa ay  gacanta ay ku soo dhigeen in ka badan 600 qof oo u badan dhalinyarada degmadaas.

Inta ay howlgalladani socdaan waxa gabi ahaanba la xirey waddooyin dhawr ah oo ku teedsan xaafadaha howlgaladan ay ka socdeen.

”Waxa aan ahayn dhallinyaro kubad cayaar u soo doontay Degmada Hodan sallax ku yaalla, laakiin dhamaanteen ciidanka ayaa na xirey,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada la qabtay.

Maamulka Degmada Hodan ayaa howlgalkan ku tilmaamay mid la doonayay in lagu xaqiijiyo amaanka  xaafadaha degmadaas.

Waxaa la sheegay in dhallinyarada markii dambe lasii daayay raalli gelinna la siiyay, taasoo ah arrin lagu amaanay.

Hadalsame Media