Muxuu KURSIGU u bedelaa QIYAMKA qofka? (Qof keese is xaddidi kara?)

0

(Hadalsame) 22 Abriil 2019 – Waxay u badan tahay in taasi tahay arrin caadi ah oo dadkoo dhammi wadaago. Qofka u qaata in dadka siyaasadda galaa xumaadaan, waxaa habboon in isagu markuu jago qabto saaxiibadiisii la weydiiyo in uu sidiisii hore yahay iyo in kale.

Jirka, maskaxda iyo laxawga qofkuba waa is bedelayaan. Cuntada uu cunayo, meeshuu seexanayo iyo maryaha uu xiranayo ayaa is bedela. Dad aad ula weynaan jirey ayaa baryo iyo ammaan ugu tegaya, ciidan iyo hub ay lagu hareeraynayaa. Adduunka iyo dadkaba il cusub ayuu ku arkayaa.

Gabyaagii Carbeed ee Al-Mutanabi ayaa nin addoon ahaan jirey oo la oran jirey Kaafuur markii dambena madax ka noqday Masar u tiryey gabay ay ku jirtey:

يَسْتَخشِنُ الخَزّ حينَ يَلْمُسُهُ وكانَ يُبْرَى بظُفْرِهِ القَلَمُ

Ciddiyihiisa ayaa qalimaanta lagu qori jirey (adkaan darteed), haddana maryaha xariirta ah ayuu dhibsadaa (oo leeyahay waa i xoqayaan).

Kaafuur keliya maahayn ee markii dadku ku wada ammaanaan, oo laguu sacabiyo waxaad moodaysaa in aad adduunkaba nalka ka demin kartid.

Dad aad u yar ayaa awooda in ay naftooda ku joojiyaan xadkeeda.

Kordhin iyo ku celin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media