Maxay tahay danta ka dhexeeysa Kenya & siyaasiyiinta halkaa ku SHIRSAN? (Ma aragtay mucaarad Kenyan ama Itoobiyan ah oo Xamar ku shiraya?)

0

(Nairobi) 22 Abriil 2019 – Kenya waxay ka xanaaqday tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ee arrinta badda. Sidaas awgeed si aargoosi ah waxay albaabada u furtay isla Siyaasiintii magaca Soomaali watay ee horey ugu fududeeyay inay nagu qabsato baddeena.

Waa kuwaas shirar qaran dumisno ku qabsanaya Nayroobi oo ah dal si cad u doonaya xoolo Soomaaliyeed isagoo aan weliba geed kusoo gabbanin.

Waligaa ma aragtay Siyaasiinta Xanaaqsan ee Kenya iyo Itoobiya oo xamar ku shiraya kana hadlaya masiirka dalkooda?

Nin aad Cilmiga Fiqi-ga u yaqaanay ayaa yiri qorigaaga Toban Baalooto gasho, Sagaal ka mid ah Rasaastaas kula dirir cadawga gudahaada ku jira, hal baalootana ugu talagal inaad shisheeyaha kula dagaashid.

Sababta ayaa ah in Cadawga shisheeye uusan kuu imaan Karin haddii aysan jirin dad kugu dhex jira oo kaa mid ah oo shisheeyaha u adeegaya.

Waxaa Qoray: Maxamed Firxad

Hadalsame Media