Hagarta & hagardaamada ay Khaliijku ku wadaan Somalia oo markale TOOSHKA lagu shiday! (Arag istaraatijiyaddan)

0

(Nairobi) 22 Abriil 2019 – Dalalka Khaliijka oo xiriir soo jireen ah la lahaa Soomaalida oo taariikhiyan la sheego inay caawin jirtey amaba si istaraatiji ah uga difaaci jirtey gumaysigii Yurub, xilliyadii dhexe (medieval times) ayaa lagu tuhunsan yahay inay Somalia la leeyihiin xiriir geeri iyo nolol u dhexeeya.

Dalalkan oo caadiyan isu sawira ama Soomaali badan ugu sawiran sidii kuwo Somalia u ah walaalo kal iyo laab ah, balse u muuqda dhurwaa xiran dharkii idaha ayaa inta badan ka shaqeeya qaska iyo qalaanqalka Somalia.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo ah nin aan halkiisa la gabban (outspoken) ayaa markale tooshka ku shiday hagarta iyo hagardaamada ay dalalkaasi ku hayaan Somalia oo ah dal haatan baylah u ah dhibaatooyin fara badan.

Dalalkan ayaa adeegsada istaraatijiyad ay Soomaalida uga hor istaagayaan inay ka diddo, si ay ugu dhuftaan halka ugu xanuunka badan, iyadoo aan la dareemin, waloow Qadar iyo Imaaraad ay sanadihii dambe dibedda isa soo dhigeen.

Wuxuu Twitter kusoo qoray sidatan: ”Saudi Arabia, Imaaraadka & Qadar waxay balaayiin doollar siiyaan Iraq, Syria, Turkey, Sudan, Ethiopia iwm.

”Marka se ay Somalia (waxa ay bixiyaan) waa wax aan naf lahayn oo $10m ama 20m oo doollar ah. Qadar waxay jid ku bixinaysaa $ 200m. Kulligood waxay bixiyaan kharashaad dhanbalan si ay u waarto deganaanshiyo la’aanta heer gobol iyo heer qaran.”


Hadalsame Media