DEG DEG: Qarax kale oo ka dhacay meel u dhow kaniisad ku taalla Sri Lanka + Sawirro (Toos u daawo)

0

(Colombo) 22 Abriil 2019 – Qarax cusub ayaa ka dhacay meel u dhow kaniisad ku taalla caasimadda Colombo, sida ay booliisku sheegeen.

Gaari kuwa dedan ah ayaa qarxey jeer ay booliisku isku deyayeen inay qarxisada ka saaraan miino ku jirtey, sida uu goobjooge u sheegay wakaaladda Reuters.

warbaahinta maxalliga, ayaase sheegaysa inuu ahaa qarax meel fog laga hagayey oo lala doonayay kaniisad Colombo u dhow.

Waxay sheegeen in ay booliisku gaariga heleen kahor intii aanu qarxin oo ay dabeeto goobta oo dhan xireen si ay iyagu u qarxiyaan.

Wax waxyeello nafeed ah lama soo sheegin, tiiyoo ay weli qasan tahay xaaladda dalkaasi kaddib qaraxyadii laayaanka ahaa ee shalaytoole oo ay ku dhinteen in ka badan 290 qof.

 

Hadalsame Media